Adeeggayaga weli si buuxda looguma heli karo luqado kaladuwan waxaana inta ka harsan lagu bixinayaa afka Ingiriisiga.
Taas awgeed, waxaa nala habboon in aan luqaddaada gaarka ah kuugu soo koobno sida aad deeqdaada u bixin karto si lagaaga caawiyo fulinta hawshaas.
Marka ugu horraysa waxaad arki doontaa Bogga Sababta (Cause Page).
Bogga xiga waxaad ka dooran kartaa mid ka mid ah lacagaha aan kugula talinayno in aad ku deeqdo ama waxaad ku dari kartaa lacagta aad rabto.
Waxaa ka dib laguu gudbin doonaa bogga lacagbixinta ee qolo kale halkaasoo aad u baahan doonto in aad ku buuxiso macluumaadkaaga lacagbixinta si aad lacagta ugu bixiso kaarka deynka ama [PayPal].
Haddii aad canshuur Ingiriiska ka bixiso waxaad markaa isu diiwaangelin kartaa [Gift Aid} si deeqdaada loo kordhiyo iyadoo weliba suurogal ah in aad adigu hesho lacag canshuureed oo shakhsi ahaan laguu soo celiyo.
Haddii aadan Ingiriiska canshuur ka bixinin, iska dhaaf uun [Gift Aid].
Marka aad taas dhammayso, saaxiibbadaada iyo qaraabadaada dhammaantood ayaad ka wargelin kartaa deeqda aad bixisay adigoo isticmaalaya Facebook ama Twitter.
Waxaan rajaynaynaa in si fiican laguugu soo koobay. Marka aad gujiso badhanka [Proceed] waxaa ka dib laguu gudbin doonaa adeegga afka Ingiriisiga si aad deeqdaada u bixiso.